Su,aalo diini ah iyo jawaabahooda ka faaideyso

 Halkan waxan Ku soo gudbinayaa su,aalo iyo jawaabo quseeya diinta alle haynaga dhigo kuwo ka faaideysta



Suasha koowaad waxay leedahay Qofka aan asagu wali xajjiyin in waalidkii laga xajjiyo lacag maku bixin karaa?

Jawaabtu waa Haa marka aynu qaadano qowlka culumada ee ah in qofku xajjka dib dhigan karo waa sunno in qofka u dagdago mar haduu awoodo lkn waa uu dib dhigan karaa sidii Nabigaba uu sameyay NNK sanadkii sagaalaad waxa uu diray abaabakar RC asagana sannadkii tobnaad ayuu aaday ama uu xajjiyay marka qofka haduu haleeli waayo kiisa uu dib dhigan karaa ka waalidkana wuu horeysiin karaa.


Suaasha labaadwaxay  leedahay quraanka kariimka malagu aqriyi karaa guri cusub markaad dhisato ayada oo labarakaysanayo?

Jawaabtu waa Haa mar hadii ladoonyo barako iyo in uu nimcadaa alle uu siiyay adoonka uu oga mahad naqo waliba suuratul baqara ayaa sii mudan rasuulku SCW waxay uu yiri xadiis saxiixul muslimka Ku sugan ( guryihiina haka dhigina xabaalo  guriga lagu aqriyo suratul baqara shaydaanka ayaa ka carara.


Suasha sedexaad waxay  leedahay  hadaan soo gaaro imaamka oo rukuucsan oo aan Ku xidho rakcadaa miyay ii tirsantahay?

Jawaabtu waxa weeye Haa sida culumada intooda badani ay qabaan rakcada mar hadaad rukuucda kusoo gaadho ood Ku xirato wey kuu tirsantahay faatixadiina waa lagaa dhaafay xaladaa inta kale waa in LA aqriyaa fatixada rakcad waliba lkn rakcadaa waad soo haleeshay lkn waa in aad si wanaagsan ugu soon gaadhaa oo ayadan is weydaaran.

Suasha afraad waxa weeye  xaaskaygu weysada ma iga jabinaysaa?

Jawaabtu waxa weeye  waa masalo qilaafi ah culumada qaar weykaa jabineysaa bey leyihiin qaarna kaama jabineyso qolada ma jabineysa leh baad moodaa in daliilku saxiixaa uu xoojinayo lkn mar hadii qilaaf yimi inaad iska weyseysataa weye fiicantahay adigoo ka baxay qilaafka.


Suasha shanaad  gabdha haday ramadaantu dhaafto ayadoo uur leh ma iney soo celiso soonkaa mise raashiin bey bixineysaa?

Jawaabtu waxa weeye  wey soo celineysaa mar hadey qalaha karayso raashiinka waxaa bixiya qofka kari waaya inuu soo qaleeyo sida qofka uu hayo xanuun aan LA rajeynayn inuu ka bogsado ama qofkii gaboobay oo waxba usoo kordhayn lkn qoftani marka ay haleesho sanadka ayay soo celin


Suasha lixaad waxa weeye  qof kugu leh deyn oo aadan garanayn maxaad ka yeelin xoolihiisii?

Jawaabtu waxa weeye hadii aadan garanayn qofka sadaqo ayaad ugu bixineysaa lkn marka hore isku day in aad raadiso inta aad awoodo.


Halkan ka daawo video ga sheekha 



Waxana rajeynayaa in uu alle nagun anfaco anagana miisaanka xasanaadka uu nosaaro.

Post a Comment

0 Comments