Akhlaaqda wanaagsan ee islaamka

 Akhlaaqda Islaamka: Asaaska Nolol Wanaagsan




Akhlaaqda wanaagsan waa tiirka uu Islaamku ku dhisan yahay, waana mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee lagu garto qofka Muslimka ah. Islaamku wuxuu xooga saaray in qofka Muslimka ahi noqdo mid akhlaaq wanaagsan leh, si uu u kasbado raalli ahaanshaha Alle iyo jacaylka dadka.

1. Ahmiyadda Akhlaaqda Islaamka

Akhlaaqda wanaagsan waa mid uu Islaamku aad u adkeeyey, waxaana Nabiga (NNKH) uu yiri:
"Waxaa ley soo diray si aan u dhammaystiro akhlaaqda wanaagsan." (Bukhaari iyo Muslim)
Hadalkan Nabiga (NNKH) wuxuu muujinayaa in Islaamku yahay diin baraysa akhlaaq suubban, taas oo ah dhammaystirka iimaanka qofka.

2. Noocyada Akhlaaqda Islaamka

Akhlaaqda Islaamka waxay u kala baxdaa labo qeybood:

A. Akhlaaqda Qofka Muslimka ah ee la xiriirta Alle


1. Daacadnimo – In qofku Alle u kali yeelo cibaadadiisa, oo uusan la shirkin.

2. Dhowrsanaan iyo Xishood
– In qofku ka fogaado waxyaabaha xun, maadaama uu ogyahay in Alle daawanayo.

3. Samir iyo Dulqaad
– In qofku u dulqaato dhibaatooyinka nolosha oo uu Alle u sabro.


B. Akhlaaqda Qofka ee la xiriirta Dadka


1. Daacadnimo iyo Run sheegid – Muslimku waa inuu noqdaa mid had iyo jeer runta sheega oo aan been la imaan.

2. Xushmad iyo Dabeecad Wanaagsan
– Waa in qofka Muslimka ahi uu  ula dhaqmo dadka si naxariis leh, gaar ahaan waalidkiis, ehelkiisa, iyo dadka kale.

3. Daryeelka Agoonta iyo Masaakiinta
– Islaamku wuxuu aad u dhiirrigeliyey in la daryeelo dadka dhibaateysan, gaar ahaan agoonta iyo masaakiinta.

4.Cafin iyo dulqaad – Qofka Muslimka ah waa inuu barto dulqaadka iyo inuu dadka cafiyo marka ay qalad ka galaan.

3. Faa’iidooyinka Akhlaaqda Wanaagsan

Waxay keenaysaa in qofku Alle ka helo ajar iyo darajo sare.
Waxay kobcisaa xiriirka bulshada, oo ay ka dhigtaa dadku Inay wada noolaadaan ayaga oo is jecel.
Waxay qofka ka dhigtaa mid lagu kalsoonaan karo oo ay dadku jecel yihiin.
Waxay qofka ka ilaalisaa dembiyada iyo waxyaabaha keena cadaabta Alle.




Gunaanad

Akhlaaqda wanaagsan waa mid qof kasta oo Muslim ah looga baahan yahay, maadaama ay tahay dariiqa lagu kasbado raalli ahaanshaha Alle iyo jacaylka dadka. Sidaas darteed, waa in qof kasta oo Muslim ah uu dadaal u galo sidii uu uga dhigi lahaa akhlaaqdiisa mid wanaagsan, si uu ugu guuleysto nolosha adduunka iyo tan aakhiro.

Alle ha ina waafajiyo akhlaaqda wanaagsan! Aamiin.








Halkaan ka daawo video ga





Post a Comment

0 Comments